Guddoomiyaha cusub ee degmada H/wadaag oo Xilka la Wareegay (Daawo Sawirro)

Munasabad uu xilka kula Wareegayay Gudoomiyaha cusub ee degmada Howlwadaag Mustaf Cali Axmed ayaa galabta lagu qabtay Xarunta Degmadaas ee magaalada Muqdisho.

Munasabadan ayaa waxaa goob-joog ka ahayd Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir dhanka arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti ) iyo Madax kale oo ka soctay Maamulka Gobolka Banaadir.

Gudoomiye Basma ayaa kula Dardaarantay Shacabka Rer Howlwadaag inay la shaqeeyaan Gudoomiyaha Cusub Maadaama ay yihiin Shacab jacel Dowladnimada.

Guddoomiyaha xilka wareejiyey ee degmada H/Wadaag ayaa balan-qaaday inuu la shaqeyn doono Maamulka cusub, uuna gacan ku siin doono  gudashada waajibaadkiisa, isagoo shacabka degmada ka codsadsay iney sidoo kale la shaqeeyaan.

Gudoomiyaha cusub ee degmada H/wadaag ayaa u mahad celiyey Gudoomiyihii hore oo uu sheegay inuu wax badan ka qabtay degmada, uuna halkaasi ka sii ambaqaadi doono howlaha loogu adeegayo bulshada reer Howlwadaag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -